Somali
Soomaali
Waxaanu rabnaa in aanu hubino in adeegyadayada ay wada heli karaan DHAMAAN xubnaha bulshada oo dhami.
Waxa aanu ogsoon nahay in dadka qaarkood ay dhib ku noqon karto in ay heli karaan adeegyadayada, tusaale ahaan, in aanay imaan karin xafiiskanaga ama akhrin karin macluumaadka aanu ugu soo qorno luqada Ingiriisida.
Hadii luqadaada hore aanay aheyn Ingiriisi, isla markaana aad u baahato kaalmo, waxa aanu leenahay adeegyo qaabilsan turjumaada oo ku kaalmayn kara. Markaasi codsigaaga email ugu soo gudbi H&F Homes IT section
Turjumaada tooska ah, dooro luqadaada adiga oo ku aadinaya calanka sare ee ku aadan luqadaada sida boga sare ku xusan.
Babel Fish iyo Google Translate waxa ay kuu samayn karaan turjumaada kalmad ee dhawr luqadood: lakiin weedhaha buuxa si saxa uma turjumi karaan. Xiriiriyaha (links-ka) xaga midig ayaa kugu xiriirin kara shabakadahaas. Si aad u aragto bogaga shabakadahan ee laquda aad rabto, waxa kale oo aad isticmaali kartaa Windows Translator. Isticmaal link-ka xaga midig ee bogan. Kadibna liiska taxan ee kuu soo baxa ka dooro luqada aad rabto, isla markaana guji halka ay ku qoran tahay “Turjubaan boga-shabakada (Translate a webpage)”.
Afeef-dhigasho
Macluumaadka shabakadan waxaa lagu daabacay luqada Ingiriisida. Turjumaadana waxaa si joogto ah u baara injiinka turjumaada. Waxa kale oo jira lahjado kala duwan, sidaa awadeed suurtogal maaha in laga wada helo turjumaad wada saxa. H&F Homes ma damaanad qaadayso turjumaadan oo kale, isla markaana waxa ay ka afeef dhiganaysaa in aanay qaadin masuuliyada, sida hadii si toosa ama si aan toos aheyn dhaawac uga yimaado turjubaad qaldan.










